Nabadoon Caan ah oo lagu dilay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Kooxo hubaysan ayaa saaka ku diley magaalada Muqdishu Nabadoon caan ah oo lagu magacaabi jirey Allaha u naxariistee Ugaas Cabdulqaadir Sheekh Xuseen Farey.

Dilka Nabadoonka waxaa geestay labo qof oo bastoolado ku hubaysan oo ku weeraray meel ku dhaw Gurigiisa oo ku yaalla Buunada Ansalooti, ee degmada Waaberi, sida Goobjooge uu u sheegay GO.

Weerarkaas kadib, waxaa goobta soo gaarey ciidamo katirsan Booliska Somalia, oo sameeyay howlgal aan cidna lagu soo qaban, maadaama kuwa dilka fuliyay ka baxsadeen inta aysan meesha soo gaarin.

Lama oga sababta loo dilay Nabadoonka iyo cida dishay intaba, balse dilkiisa wuxuu qeyb ka yahay dilalka ka dhacay Muqdishu, kuwaasi oo lala eegtay Nabadoonada, Askarta iyo shaqaalaha dowladda.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadeeda, balse waxaa dilalka caynkan ah waxaa gaysta kooxda Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM