Nabadoon caan ahaa oo Beledweyne lagu diley

Image

June 22, 2015 (GO)- Nabadoon caan ahaa ayaa caawa lagu diley degmada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jirey Xasan Aadan Deeqow (Xasan Oog) waxaa la toogtey salaaddii maqribka kadib isaga oo sii gelaya gurigiisa.

Dad goob-joogeyaal ah ayaa Garowe Online u sheegay in dilka ay fuliyeen labo nin oo wejiga soo duubtey islamarkaana bistoolado ku hubeysnaa.

Dableyda dilka fulisey oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan ayaa duribadiiba goobta ka baxsaday.

Ciidamada ammaanka ayaa daqiiqado kaddib goobta soo gaarey, waxayna sameeyeen baaritaan muddo kooban socdey, balse ilaa iyo hadda falkaas cid looma soo qaban.

Nabadoon Xasan Oog ayaa noqonaya nabadoonkii labaad ee bishan Ramadaan gudaheeda magaalada Beledweyn lagu diley.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hormuud Salaam Foundation oo Xarigga Ka Jartay Laami Muhiim ah oo Ay Ka Dhistay Xaafadda Calanleey ee Kismaayo

Laamigan cusub, oo ay maalgelisay Hormuud Salaam Foundation waxaa hirgelisay shirkadda dhismaha ee Al-Buruuj.

  • Soomaliya

    14-05-2025

  • 06:24PM

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM