Nabadoon ku dhintey dagaal dhexmaray Ciidanka iyo Al-Shabaab

Image
Cilmi Hagar Gure ayaa kamid ahaa odayaasha dhaqanka ee hogaaminayay kacdoonka shacabka ee gobolka Hiiraan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamadda Soomaaliya iyo maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa Khamiista maanta ah ku dagaalamay tuuladda Ceel-qalooc oo 40 KM dhanka ba ka xiga degaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa weerarey fariisin ay ciidamadda ka sameysteen aaggan oo ay dhowaan la wareegeen waxaana halkaas ka dhacay iska-hor-imaad aad u xooggan.

Sida ay ku warantey wakaaladda wararka qaranka ee SONNA oo soo xigatay taliska xoogga dalka, milatariga Soomaaliya oo "guulo kasoo hooyey iska-hor-imaadka" ayaa iska-caabiyey "duulaankan".

"Waxaa ay dagaalkan ku dileen in ka badan 40 kamid ah maleyshiyaadka Al-Shabaab," ayay raacisay SONNA oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan ciidamadda balse aysan soo bandhigin magacyadooda.

Warbixinadda laga helayo dadka degaanka ayaa xaqiijinaya in khasaaraha uu soo gaarey labada dhinac balse aysan xaqiijin karin waxyeeladda dhabta ah ee soo gaarey darafyadda diriray.

"Waxaa sidoo kale dagaalkan ku nafwaayay Cilmi Hagar Gure oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee horkacayay kacdoonka shacabka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaan wali wax war ah kasoo saarin dagaalkan wallow aan looga baran dhankooda in ay soo bandhigaan jabka kasoo gaara dagaaladda ay la galaan ciidamadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM