Nabadoon lagu dilay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Rag hubaysan ayaa Muqdishu ku dilay mid kamid ah Odayaashii soo xulay Xildhibaanada Galmudug kasoo galay Baralamaanka, oo lagu magacaabi jiray Bashiir Maxamed Cali (Xagaley).

Nabadoonka ayaa lagu dilay Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan dhinaca khudaarta lagu iibiyo, xilli uu ka yimid magaalada kuna sii jeeday dhanka Gurigiisa, sida uu GO u xaqiijiyay Goobjooge la kulmay dhacdada.

Laba qof oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa fuliyay Dilka, kuwaasi oo goobta ka baxsaday kahor inta saysan ciidamada amniga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya soo gaarin halka uu dilka ka dhacay.

Allaha u naxariistee Bashiir Xagaley, ayaa kamid ahaa Ergadii soo xushay Xildhibaanada Galmudug uga soo galay Baarlamaanka Soomaaliya, ee lagu soo doortay Magaalada Cadaado bishii December, 2016.

Waa Oday dhaqameedkii ugu horeeyay, oo Muqdishu lagu dilo tan iyo markii la doortay Madaxweyne Maxa'ed C/llaahi Farmaajo February 8.

Ma jirto cid sheegatay Mas'uuliyada dilka Nabadoonka, balse waxa uu qeyb ka yahay Dilal uu Ururka Al Shabaab ku beegsanayaan Odayaashii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM