Nabadoon lagu toogtey suuqa Bakaaraha magalaada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Kooxo hubaysan oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Al shabaab ayaa maanta ku dilay Muqdishu mid kamid ah Nabadoonada Soomaaliyeed.

Nabadoonka oo magacabiisa la oran jirey Ibraahim Cali Cilmi islamarkaana kamid ahaa ganacsatada bakaaraha ayaa lagu diley suuqa bartamihiisa , waxaana dilkiisa ka dambeeyay rag Bastoolado ku hubaysan, sidaay noo xaqiijiyeen Goob-joogiyaasha.  

Dilka Nabadoon Tanaas waxa uu ka dhacay Agagaarka Daarta Cali Dheere, oo ah qeybta lagu iibiyo dharka, kana mid ah Goobaha ugu mashquulka badan Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdishu.  

Ciidamada amaanka ayaa goobta dilka gaarey, iyadoo sida looga bartay sameeyay howlgal aan lagu soo qabangacan-ku-dhiigliyaashii dilay Nabadoonka, oo daqiiqadaka hor lugtooda ku baxsaday.  

Ma jirto illaa hadda cid sheegtay mas'uuliyada Dilka Nabadoonka, balse waxa uu qeyb ka noqonayaa Dilal bartilmaameed ah, oo lagu qaarijinayo Odayaasha dhaqanka, ee ka qeyb-qaatey Doorashooyinka.  

Dillal ayaa kirdhay loo gaysanayo waxgaradka iyo saraakiisha dowlada kuwasoo lagu cabsi galinayo dadka Iney la shaqeeyaan dowlada madaxweyne Farmaajo oo la yimid niyad wanaagsan taasoo la filayo iney wax ka badasho arimaha amaanka iyo nolasha shacabka. 

GAROWEONLINE


Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM