Nicholas Haysom oo jago cusub loo magacaabay

Image

WASHINGTON, US – Ergaygii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya ee dowladda federaalka dalka ka eriday bilowgii 2019-kii, Nicholas Fink Haysom, ayaa xil cusub loo magacaabay, sidda uu wariyey Africa News.

Boggan oo soo xigtay diblumaasiyiin uusan magacaabin ayaa sheegay in Haysom oo kasoo jeeda Koonfur Afrika loo xushay in uu madax ka noqdo howlgalka Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ee Suudaanta Koonfureed.

Haysom oo dhashay sanadka markii uu ahaa 1952 ahna 69-sano jir ayaa wuxuu bedelayaa David Shearer kaasoo u dhashay New Zealand.

Xilli dowladda Soomaaliya ay eriyidiisa u cuskatay "faragelinta" arrimaha gudaha dalka, Haysom ayaa horey uga shaqeeyay labada Suudaan.

Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ah kan ugu kharashka badan dhamaan howlgalada lamidka ah ee haatan ka socda dalka. Miisaaniyada ku baxda waxaa lagu sheegay hal bilyan iyo 17-kun oo askari ah.

Sidda ay warbixinadda sheegayaan, waxaa jira talooyin la xiriira in hoos loo dhigo askarta isla markaana la gaarsiiyo 15-kun oo nabad ilaalin ah.

Suudaanta Koonfureed ayaa waxaa joogto ka ah rabshaha salka ku haya loolanka qabiilada kuwaas oo dib-u-dhigay horumarka dowladnimo, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo hirgelinta nidaamka dimuqraadiyada ee xisbiyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM