Nicholas Kay oo cambaareeyey weerarkii Muqdisho

Image

February 21, 2015 (GO)- Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa cambaareeyey weerarkii dadka badani ku dhinteen ee shalay oo Jimce ahayd ka dhacay hoteelka Central Hotel ee magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Kay ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ahaa mid aan loo meel dayin islamarkaana ujeedada laga leeyahay ahayd in dadka Soomaaliyeed looga qaado rajada ay ka leeyihiin helitaanka mustaqbal fiican.

"waxan cambaareynayaa weerarkii waxashnimada ahaa ee lala beegsaday dad rayid ah oon waxba galabsan iyo mas'uuliyiin dowladda ka tirsan, kuwaasoo isugu yimid si ay salaadda Jimacaha u tukadaan" qoraalka ayaa sidaas lagu yiri.

Danjire Nicholas Kay wuxuu sidoo kale sheegay in Qaramada Midoobey sii joogteyn doonto taageerada ay siiso Soomaaliya si dadka Soomaaliyeed awood ugu yeeshaan inay gaaraan himilooyinkooda mustaqalka dhow.

Ugu dambeyntii wuxuu tacsi u direy ehelada dadkii weerarkaas ku geeriyoodey kuwa dhinteyna wuxuu u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

Weerakan waxaa sidoo kale cambaareeyey wakiilka Dowladda Maraykanka u qaabilsan Somaliya, Madaxweynaha Dowlada Federaalka iyo madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM