Nigeria iyo Indonesia oo safiiro cusub u soo dirsadey Soomaalya

Image
Image
Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay diblumaasiyiintan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Nigeria, Yusuf Yunusa iyo Indonesia Dr. Mohamad Hery Saripudin.

Yunusa oo Farmaajo soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Muhammadu Buhari ayaa sheegay in uu dadaal muuqda gelin doono xoojinta xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta wanaagsan.

Farmaajo iyo Danjire Yusuf ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan kor u qaadidda iskaashiga dhaqaalaha, amniga iyo la dagaallanka argagixisada ee dhibaatada ku haya labada shacab ee Soomaaliya iyo Nigeria.

Dhankiisa, Saripudin oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dalkiisa Mudane Joko Widodo ayaa bogaadiyey horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay ee dhinacyada amniga, dib-u-dhiska ciidammada, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Farmaajo oo Danjiraha Cusub ee Indonesia Dr. Mohamad Hery Saripudin ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay Soomaaliya iskaashi miradhal ah oo ku dhisan is-qaddarin, horumar iyo wax wada-qabsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ku saabsan amniga Badda Cas ugu sii jeeda Sacuudiga

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 07:34AM