Nin baxsad ahaa oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Laamaha amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ay ku qabteen Nin baxsad ahaa, oo ay sheegeen inuu dil kasoo geystay magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool.

Taliye ku xigeenka hogaanka CID-da, Bishaar Abshir Geedi ayaa sheegay in ninkaan oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Jamaac, ay gacanta ku dhigeen 28-kii bishii hore ee July, isagoo isku dayaya inuu si dhuumaaleysi ah uga dhoofo garoonka Adan Cadde.

Wuxuu tilmaamay Taliye ku xigeenka in Eedaysane Jamaac uu toogasho ku dilay ruux kale, oo magaciisa lagu sheegay Sharmaake Maxamed Cabdishire, kaasoo uu khaarijiyay 15-ka bishii July ee isla sanadkaan 2018 magaalada Laacsaanood.

"Ciidamada Boolisku waxay ku guuleysteen inay qabtaan Gacan ku dhiigle Axmed Cabdi Jamaac, waxaana la horgayn doonaa cadaaladda. Si uu maro ciqaabta uu mudan yahay," ayuu hadalkiisa ku daray Taliye ku xigeenka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ku nuux-nuux saday in aysan dhici doonin in qof ka dil kasoo geystay meelo kamid ah wadanka uusan ku dhuumalaysan karin Muqdisho iyo meelo kale, lagana soo gudbay.

"Waa laga soo tagay waqtigii adiga oo dil kusoo geystay meelo dalka kamid ah aad ku dhuumaleysato. Gacan ku dhiiglahaa waxaa la qabtay isagoo isku dayaya inuu ka dhoofo Garoonka Aadan Cadde," ayuu Taliyaha hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyn, Taliye ku xigeenka hogaanka Baarista ciidanka Booliska Soomaaliya, Bishaar Abshir Geedi, ayaa ka codsaday hogaanka Booliska ee maamulada dalka inay soo gudbiyaan dadka dilal ka geystay degaanada ay maamulaan.

Sikastaba ha ahaatee, Su'aasha hadda taagan ayaa waxay tahay hadii uu wareejin doono Booliska Federaalka Soomaaliya, iyo cida uu u gacan-celinayo, maadaama Laascaanood ay ku muran-san yihiin maamuladda Puntland iyo Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM