Nin dilay askari katirsanaa ciidamada AMISOM oo la toogtay

Image

BUULO-BURDE, Hiiraan- Ciiidamada dowladda Federaalka Somalia ayaa ku guul-darraystay inay gacanta ku dhigaan Askari dhawaan dil u gaystay nin katirsanaa ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM.

Nin ciidanku dileen ayaa Maxkamadda gobolkaas amar ku bixisay in lasoo qabto isagoo nool, balse wararka aan helayno ayaa sheegaya inuu is-difaacay taasoo markii dambe keentay in ciidanku toogtaan.

Sida uu sheegay Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee qeybta 21aad Maxamed Cabdiqaadir Maxamed, amarkan lagusoo qabanayay marxuumkaas ayaa kasoo baxay Maxkamadda.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dhawaan Maxkamad lasoo taagi doono Askari kale oo lagu tuhmaayo in maleegay Falka lagu dilay Askariga u dhashay Jabuuti.

Askariga la toogtay oo katirsanaa ciidamada dowladda Somalia, ayaa ilaa hadda la caddayn magaciisa, balse waxaa lagu aasay degmadaas.

Muddooyinkii dambe ciidanka dowladda ayaa ku raad-joogay ninkan oo baxsad ahaa wixii ka dambeeyay falkii uu ku dilay dhigiisa oo katirsanaa ciidamada AMISOM.

Wax faah faahin ah laga bixin sababta keentay in askarigaas lagu dilo magaalada Buulo-burde todobaadkii hore.

Warar maxalli ah ayaa sheegaya in labada askari ay isku maandhaafeen arrimo la xariira gacan ka hadal loo gaystay haweenay ku sugnayd degmadaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM