Nin ka tirsanaa Al-shabab oo Baydhabo lagu toogtey

Image

May 19, 2015 (GO)- Magaalada Baydhabo waxaa saaka lagu toogtey nin la sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab islamarkaana qayb ka ahaa kooxdii soo weerartey madaxtooyada Baydhabo March 12, 2015.

Ninka xukunka qisaasta ah lagu fuliyey oo lagu magacaabi jirey Siraaji Cabdullaahi Cumar (Hanad) ayaa gacanta lagu dhigey isagoo wada gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo la sheegay in kooxda weerarka soo qaaddey ay la socdeen.

Gaariga oo noociisu ahaa Toyota Noah ayaa markii dambe ku qarxay ciidamo boolis ahaa oo doonayey inay magaalada ka fogeeyaan, waxaana qaraxaas ku geeriyoodey saddex askari.

Goobta xukunka qisaastu ka dhacayey waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Liibaan Cali Yarow, Gudoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute, Taliyaha ciidanka gobolada Baay,Gedo iyo Bakool Ibraahim Yarow iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur galeed ee dalka.

Dhanka kale, waxaa isla maanta la filayaa in maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya u fariisato dacwad ciqaabeed loo heysto eedeysanayaal kala duwan oo ku jira xabsiga magaalada Baydhabo.

Xukunkan ayaa ah kii ugu horreeyey noociisa ee maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Dowladda Federaalku ka fuliso magaalada Baydhabo.

GAROWE ONLINE
 

Related Articles

Xog cusub oo laga helay diyaaradii ku burburtay Garoonka Muqdisho

Diyaaradda ayaa waxaa maamula ciidanka Midowga Afrika ee qeybta ka ah ciidamada Uganda (UPDF).

  • Soomaliya

    02-07-2025

  • 01:10PM

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM