​Ninkii dilay taliyihii NISA Shabeellaha dhexe oo la qabtay

Image
Image
Image

Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe, ayaa gacanta kusoo dhigay gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay dilkii shalay loo gaystay  AHN taliyihii ciidamada nabadsugidda gobolkaasi Cabdiwali Ibraahim oo uu dilay nin katirsanaa ciidanka.

Ciidamada amniga ayaa maanta gacanta kusoo dhigay, isagoo ku dhuumalaysanaya nawaaxiga degmada Jowhar, waxaana la dulgeeyay maydka taliyaha oo waqtigaasi lagu tukanayay salaadda Janaasada.

Maamulka gobolka, ayaa ka hadlay soo qabashada dambiilahaasi, waxayna tilmaameen inay dhawaan cadaaladda horgayn doonaan, iyagoo sidoo kale tilmaamay inay baaritaan ku samayn doonaan arrimo kale oo la xiriira sababta uu dilka u gaystay iyo inuu horay uga tirsanaa kooxda Al Shabaab.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha Dhexe  Axmed Meyre Makaraan, oo la hadlayay mid kamid ah Idaacadaha Muqdishu, ayaa sheegay in ninkan lasoo qabtay xilli lagu howlanaa aaska marxuumka, sidaasi awgeed laga gaari waayay in baaritaan iyo su'aalo badan la weydiiyo.

Dilka taliyaha ayaa imaanaya xilli la sheegay in dhalinyaro badan oo kasoo laabatay kooxda Al Shabaab lagu daro ciidamka NISA.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM