NISA oo amar cusub kusoo rogtay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Hay'adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Somalia, ayaa maanta amar cusub kusoo rogtay magaalada Muqdishu kaasoo shaqayn doona mudada uu socdo shir madaxeedka IGAD kaasoo la filayo in maalinta Talaadada ka furmo caasumadda Somalia.

Amarka oo kasoo baxay xafiiska Taliyaha NISA Cabdullaahi Gaafoow, ayaa laamaha ammaanka ee loo xilsaaray sugitaanka Amniga waxaa lagu wargaliyay inay tallaabo ka qaadan askari kasta oo hubaysan kaasoo aan kamid ahay kuwa ammaanka sugaya.

Waxaa la faray ciidamada shirkadaha gaarka loo leeyahay inay joojiyaan dhaq-dhaqaaqooda inta lagu guda jiro howsha IGAD, waxaana loogu goodiyay ciddii gacanta lagu dhigo in sharciga la marsiin doono.

Amarkan ayaa soo baxay xill dhowr maalin xirantahay magaalada Muqdishu iyadoo la mamnuuca in wax gaadiid ah lagu dhex wato magaalada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM