NISA oo amar cusub kusoo rogtay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Hay'adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Somalia, ayaa maanta amar cusub kusoo rogtay magaalada Muqdishu kaasoo shaqayn doona mudada uu socdo shir madaxeedka IGAD kaasoo la filayo in maalinta Talaadada ka furmo caasumadda Somalia.

Amarka oo kasoo baxay xafiiska Taliyaha NISA Cabdullaahi Gaafoow, ayaa laamaha ammaanka ee loo xilsaaray sugitaanka Amniga waxaa lagu wargaliyay inay tallaabo ka qaadan askari kasta oo hubaysan kaasoo aan kamid ahay kuwa ammaanka sugaya.

Waxaa la faray ciidamada shirkadaha gaarka loo leeyahay inay joojiyaan dhaq-dhaqaaqooda inta lagu guda jiro howsha IGAD, waxaana loogu goodiyay ciddii gacanta lagu dhigo in sharciga la marsiin doono.

Amarkan ayaa soo baxay xill dhowr maalin xirantahay magaalada Muqdishu iyadoo la mamnuuca in wax gaadiid ah lagu dhex wato magaalada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM

Sheekh Shariif si adag uga jawaabay eedeymaha dowladda u jeedisay Mucaaradka

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa sii xumaanaysa, iyadoo mudo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ka haray wax ka yar sanad.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 11:20AM