NISA oo Farmaajo iyo Rooble u dirtey digniin "dhagar hullaaban"

Image
Mucaaradka ayaa qoraalka hay'adda sirdoonka ku tilmaamay "horudhaca qorshe la fulin rabo".

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegtay "inay madaxda Qaranka u gudbisay qorshe ay Al-Shabaab ku doonayso inay ku beegsato Farmaajo iyo Rooble".

NISA ayaa si gaar ah waxay farta ugu fiiqday shaqsi lagu magacaabo Maxamed Maahir oo ay sheegtay in uu yahay xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab "uuna maleegayo dhagartaas".

"Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh," ayay NISA ku yiri qoraalka kooban.

Qoraalkan ka soo baxay NISA ayaa ku soo aadaya saacado un kadib markii Rooble uu shaqada ka ceyriyay labo xubnood oo ka tirsan guddiga doorashada oo uu ku eedeeyay inay carqaladeeyeen dhameystirka howlaha doorashada.

Sidoo kale, dhawaqa NISA wuxuu yimid kadib markii Maamulka Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay in uu hakiyay wadashaqeyntii uu la lahaa Ra’iisal Wasaaraha arrimaha doorashada.

Digniin "dhagar" hullaaban

Si lamid ah, wuxuu qoraalka NISA kusoo aaday xilli Galmudug ay jishay mowqif dhexdhexaad ah ayna soo jeedisay in ay isku soo jiido dhinacyadda isku haaya khilaafka doorashooyinka.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa Facebook-ga wuxuu kusoo qoray: "Khamiistii ayaan sheegay in Farmaajo maleegayo shirqool lagu dili rabo Rooble. Boor isku qariska NISA waxay caddeyn u tahay in fulintii qorshahaas soo dhawaaday".

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug iyo xildhibaan ka tirsanaa golaha shacabka baarlamaanka 10aad, Axmed Macalin Fiqi, ayaa qoraalka NISA uga falceliyey: "Qorshe horudhac ah iyo digniin dhagar hullaaban".

Dhanka kale, Rooble oo ka hadlaysay xus dhawaan loo sameeyay Xildhibaanad Aamina Maxamed oo la dilay, ayaa sheegtay in loo hanjabay, kadib markii uu ayiday xil ka qaadis lagu sameeyay Guddigii doorashada ee heer Gobol.

Isla goobtaas, wasiirka koowaad ee xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu  sheegay in "cidda dishay Aamina iyo Ikran Tahliil ay isku mid yihiin" wallow uusan bixin sharaxaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM