NISA oo ku adkeystay in uu sii xirnaanayo Mukhtaar Roobow

Image
Roobow ayaa xaalada uu ku sugan yahay ka duwan tahay midda Xasan Daahir Aweys oo ururada argagixisada kawada tirsanaan jireen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ka soo jawaabay warbixiintii uu ka dalbaday Wasiirka Amniga ee ku saabsaneyd xaalada Mukhtaar Roobow.

Warqad uu ku saxiixnaa Kusimaha Taliyaha NISA Yaasiin Farey ayaa lagu sheegay in xaalada caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay wanaagsan tahay, isla markaana uu leeyahay dhaqaatiir si joogto ah ula socota xaaladiisa caafimaad.

Farey oo ku adkeystay in Roobow sii xirnaan doono "si khatartiisa looga badbaadiyo shacabka" ayaa ku adkeystay in ay waqti iyo maalba badan geliyaan ilaalintiisa.

"[Roobow] Waa Arday dhigta Jaamacad heerka labaad ee Master Degree, xiriir joogtana la leh Macalimiintiisa," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warqadda uu arkay Garowe Online.

Bayaanka waxaa la raaciyey: "Mukhtaar Roobow noloshiisa waxaa bil walba NISA uga baxda 7,000 oo dollar si loo maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa, maadaama uu xubin ka noqday Al-Shabaab".

"isla markaana uusan buuxin shuruudaha soo dhiibaha loo dejiyay inuu waajib ka saaran yahay amnigiisa," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalkan ku taariikheysan 27-da December, 2021.

Roobow oo hogaamiye ku xigeen kasoo noqdey Al-Shabaab ayaa xaalada uu ku sugan yahay ka duwan tahay midda Xasan Daahir Aweys oo ururada argagixisada kawada tirsanaan jireen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM