NISA oo la dul-dhigay amar la xiriira garoonka Muqdisho

Image
Tani waxay kusoo aadaysaa xilli xiisadda siyaasadeed ee Farmaajo iyo Rooble ay xoogeysatay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka amniga gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa faray hay’adda sirdoonka qaranka in mas’uuliyadda ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay ku wareejiso booliska.

Nuur oo qoraalkiisa uu ku taariikheysan yahay 1-da bisha Janaayo, sanadka 2022-ka ayaa adkeeyay in dib ula soo laabtaan dhammaan ciidankii ka howlgalayay gudaha garoonka.

"Mana jirto wax ciidan oo NISA ah oo ka howlgeli kara ama ciidan hub la geli kara garoonka, marka laga reebo Ciidamada ku sugan xarumaha rasmiga ah sida Ciidanka Waran iyo Gaashaan ee gudaha Garoonka," ayuu xusay.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ka howlgeli jiray Ciidan Nabadsugid dhar cad ah, waxaana ciidankan markii hore si toos u hoos-tagi jireen  Kaaliyihii hore ee Agaasimihii hore NISA C/llaahi Kulane.

Askartan oo dhowr jeer ay su'aallo ka keeneen siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dalka la sheegay in inta badan loo adeegsan jiray arrimo siyaasadeed iyo dadka laga xanibayo garoonka.

Tani waxay kusoo aadaysaa xilli xiisadda siyaasadeed ee Farmaajo iyo Rooble ay xoogeysatay. Khilaafkan wuxuu u muuqdaa mid u sii gudbaya loolan dhanka ciidamadda iyo ku gacan-saraynta maamulka ammaanka caasimada.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM