Norway oo safiir cusub usoo dirsatey Soomaaliya

Image

March 18, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomey danjiraha cusub ee dalka Norway u fadhin doona Soomaalya Mr. Victor Conrad Rønneberg.

Madaxweynaha ayaa dowladda Norway uga mahad celiyey soo magacaabista danjirahan cusub isagoo xusey in arrintani sii xoojin doonto xiriirka labada dal.

"aad ban kugu soo dhoweyneynaa dalka, waxaana kuu xaqiijinayaa in iskaashi buuxa iyo wadashaqeyn intaba aad ka heli doonto Soomaalida. Waxan kale oo aan Norway uga mahadcelinayaa taageerada ay nala garab taagan tahay oo muhiim u ah dib u dhiska dalkeena" Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidaas yiri xilligii uu guddoomayey waraaqaha aqoonsiga ee safiirka Norway.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale danjiraha uga warbixiyey xaaladaha siyaasadda, nabadgelyada, horumarinta iyo adeegyada bulshada, isagoo xusey in wax badan la qabtey, waxyaabo kalena ay dhiman yihiin.

Danjiraha cusub ee Norway Rønneberg ayaa isna dhankiisa sheegay in Norway ay sii kordhin doonto taageerada Soomaaliya, isagoo xusey inuu jiro qorshe cusub oo Norway ugu talagashey barnaamijyada kala duwan ee horumarinta ee Soomaaliya lagu taageerayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM