Obama oo difaacay siyaasad uu ka qaatay wadamo ay ku jirto Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynihii 44aad ee Mareykanka, Barack Obama, ayaa si xoogan wuxuu u difaacay siyaasadiisa duqeymaha diyaaradaha ee sideedii sano ee xafiiska uu joogay si weyn uga fushay waddamo ay ku jirto Soomaaliya.

Buug xusuus qor ah kaasoo la filayo in uu soo baxo maalmaha soo aadan ayuu ku sheegay in siyaasadaas uu u qaatay "maadaama dunida u baahneyd in laga ciribtiro xubin kasta oo ka tirsan ururka argagxisada ah ee Al-Qaacida".

"Khatar bay yihiin," ayuu qoray. "Dunida ayay nala joogaan, amarka farsameysan ee aan bixiyey, wuxuu ahaa in aan dilno halka ay aniga dili lahaayeen".

Balse Obama ma uusan soo hadal-qaadin waxyeeladda shacabka ee howlgalada diyaaradaha aan duuliyaha la ahayn ka fulin jireen Afghanistan, Somalia, Yemen, Pakistan iyo qaar kale arrintaasoo hay'adda aad uga xanuunsan jireen.

Marka lala barbardhigo madaxweynihii ka horeeyay Bush oo fuliyey 57, wadar ahaan, sideedii sano ee xafiiska uu joogay Obama waxaa la fuliyey 563 duqeymo cirka ah, sidda uu wariyey mareegga Bureau of Investigative Journalism.

Inkasta oo aan la hayn tirro sax ah, haddana The Council of Foreign Relations (CFR) ayaa qiyaastey in ay duqeymahaas ay ku dhinteen 3,797 qof kuwaasoo 324 ay shacab yihiin, wallow tirada geerida rayidka lagu muransan yahay.

Kororka baaxada weyn ee duqeymaha Mareykanka ee la dagaalanka argagixisadda ayaa illaa haatan la ogayn sababta dhabta ah ee keentay. Balse waxaa loo maleynayaa in ay la jaanqaadeen halista maleeyshiyaadka.

Sidda ay warisay warbaahinta, Obama ayaa 2011-kii lataliyeyaashiisa u sheegay "waan ku fiicanahay dilka dadka. Ma garan karo hadii awood i siineyso".

The Council on Foreign Relations ayaa sidoo kale waxay warbixin ay soo saareen ku sheegeen in kaliya 2016-kii uu maamulka Obama geystay 26,171 duqeyn.

Tani ayaa la macno ah in qiyaastii saddex duqeyn ay dhaceysay saacadiiba; si kale hadii loo dhigo waxaa Syria, Iraq, Afghanistan, Libya, Yemen, Somalia iyo Pakistan 24-kii saacba ka dhici jirtay duqeymo ay geysanayaan diyaaradaha drones.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM