Odeyaasha xulaya ergada shirka Cadaado oo la isku raacey

Image

CADAADO 24 April,2015 (GO)- Shirka ka socda magaalada Cadaado oo la damacsan yahay in maamul loogu sameeyo gobolada dhexe ee Somalia ayaa wararka ka imaanaya sheegayaan in la isku raacey 40 odey oo soo xuli doona ergada ka qayb galeysa kulankaas.

Afartankaan odey dhaqameed oo maalinta Sabtida loo furi doono aqoon-isweydaarsi  ayaa looga fadhiyaa iney soo xulaan 350 ergo kuwaasoo shirka maamulka loogu sameynayo gobolkaas ka qayb gali doona.

Wasiirka arrimaha gudaha dowlada Federaalka Somalia Cabdiraxman Maxamad Xuseen Odawaa ayaa sheegey in ergadaan la soo xuli doona isugu jiri doonaan culumaa'udiin, Dhalinyaro, Haween iyo Siyaasiyiin.

Shirweynahaan ayaa soo dooran doona Dastuur iyo madaxweynaha maamul goboleedkaan iyadoo la filayo in xubnaha Barlamanka  soo xuli doonaan odey dhaqameedka.

Wasiir Odawaa ayaa sidooo kale sheegey in Dastuurka sheegi doono cidda soo xuli doonta Barlamanka iyadoo dowlada Federaalka dhexdhexaad ka noqon doonaan shirkaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Shirkaan ayaa u muuqada mid ka gudbey caqabado farabadan ee horyaaley sida ay ku soo waramayaan goob joogayaal  kadib markii in muddo ah beelaha wada daga gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Mudug isku haysteen halka ay noqneyso magaalo madaxda mamaulkaas.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa ka socda olole xoogan oo musharaxiinta madaxweynaha maamulkaan dhismaya u tartamaya ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen tageerada ergooyinka la filayo in loo soo xulo ka qayb galka shirkaan.

Dowlada Federalka ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh iyo wadamada daneeya arrimaha Somalia qaarkood ayaa dabada ka riixaya shaqsiyaadka u tartamaya madax ka noqonshada maamulkaan.

Shirkaan ayaa la filayaa in dhinaca kale lagu go'aansado magaca uu qaadanayo maamul goboleedkaan ka dhismaya gobolka Galkaguduud iyo Koonfurta Mudug.

Mas'uuliyiinta u sareysa dowlada Federaalka ayaa ku tilmaaama marka ay ka hadlayaan shirweynahaan maamul u sameynta beelahaan iney ka tirsan yihiin gobolada Galkagaduud iyo gobolka Mudug.

Odey dhaqameedka soo xulaya ergooyinka shirkaan ayaa ka-kala yimid beelaha daga gobolada Galgaduud iyo Koonfurta Mudug.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia ayaa shirkaan furey 18 April, 2015 kadib markii uu ku dhawaaqey in magaalo madaxda mamaulkaan noqon doonto Dhuuso Mareeb.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM