OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Image

JEDDAH, Sacuudi Carabiya — Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa Sabtidii qabtay kalfadhigii 22aad ee degdegga ahaa, kaas oo looga hadlay go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay waxa ay ugu yeertay dal madax-bannaan oo Somaliland ah, iyadoo si buuxda u diiday tallaabadaas.

Shirka oo ka dhacay xarunta OIC ee magaalada Jeddah, kana soo qayb galeen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah ururka, ayaa lagu sheegay in aqoonsiga Israa’iil uu yahay jebin cad oo sharciga caalamiga ah, isla markaana khatar ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

OIC waxay ku adkaysay in go’aankan uu si toos ah u dhaawacayo midnimada, madaxbannaanida iyo xuduudaha caalamku aqoonsan yahay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka, isla markaana ah weerar toos ah oo lagu qaaday madax-bannaanida Soomaaliya.

Pakistan ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay tahay “weerar siyaasadeed” oo ka dhan ah qiyamka caalamiga ah, halka Sacuudi Carabiya ay ku baaqday in dalalka Islaamka ay si mideysan uga horyimaadaan aqoonsiga Somaliland, ayna ka hortagaan dhammaan tallaabooyinka wiiqi kara midnimada Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagu ansixiyay qaraarro ay ka mid yihiin canbaarayn buuxda oo lagu sameeyay go’aanka Israa’iil, taageero buuxda oo loo muujiyay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, iyo dib u xaqiijin ah in nabad waarta oo ka hirgasha Bariga Dhexe ay ku xirnaan doonto in Israa’iil ay ka baxdo dhulalka Falastiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM