ONLF oo ka hadashay dagaalka Soomaalida iyo Oromada

Image

NAIROBI, Kenya - Jabhadda ONLF ayaa sheegtay in hadii uu sii socdo dagaaladda u dhaxeeya Qowmiyaddaha Soomaalida iyo Oromadda laga dhaxli doono "cawaaqib aan la mahdin," sida ay hadalka dhigtay.

Afhayeenka Jabhadda ONLF, Cabduqaadir Xasan Hirmooge Cadaani, oo u waramay Laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da ayaa shaaca ka qaaday in colaadaan aysan wax dan ah ugu jirin labadda dhinac, wuxuuna ku baaqay in si shuruud la'aan ah lagu joojiyo.

Wuxuu tilmaamay in ONLF ay Waxgaradka labadda Qowmiyadooda kala hadashay colaadda iyo sidii loosoo afjari lahaa, isagoo mar kale ugu baaqay inay wadahadlaan oo ay xabadda joojiyaan.

"Labadda Qowmiyadooda waa dad walaalo ah. Hadii aan nahay ONLF waan kala hadalnay sidii loo joojin lahaa. Marka waxaan ku celinaynaa inay tahay in la wadahadlo oo la joojiyo dagaalka," ayuu yiri Afhayeenka ONLF.

Ra'iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayuu Hirmooge daboolka ka qaaday in Jabhadda ONLF ay kala hadashay, islamarkaana ay ka codsadeen inuu soo faro-gelliyo colaadda sii daba-dheeraanayso.

"Dagaaladii u dambeeyay waxaa u dhintay dad ka badan 50 ruux. Marka Abiy Axmed iyo xukuumadiisa waxaan ka codsanay inay soo faro-gelliso si uusan dhiig badan usii daadan," ayuu hadalkiisa raaciyay Hirmooge.

Qowmiyaddaha Soomaalida iyo Oromada ayaa waxay ku dagaalamayaan deegaanadda ku teedsan Xuduudaha, waxaana sababta dagaakaan ka dambeysa lagu sheegay dhowr arrimood oo ay ugu horeyso; dul-daaqsimeed, dhul balaarsi iyo qodobo kale.

Hadalka ONLF wuxuu kusoo aadayaa iyadoo mar sii horeysay uu Abiy Axmed uga digay dad uu sheegay inay hurrinayaa colaadda labadda Qowmiyadooda, isagoo ku cagga-jugleeyay in dowladiisu si adag uga jawaabi doonto hadii aysan u hogaansami baaqiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgalka Nabadda ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Wajahaya Caqabado Dhaqaale

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda AUSSOM u leedahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 01:05PM

Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay abaabulka kooxo hubeysan oo lagu beegsanayo Lafagareen

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in kulammo gaar ah oo ka dhacay Muqdisho ay qeyb ka yihiin qorshe siyaasadeed.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 05:39AM