Prof Cabdi Ismaaciil oo ka hadlay Khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya

Image

USA - Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku nool Mareykanka ayaa tooshka ku ifiyay qaladaadka madaxda sare ee dalka iyo Khilaafka Siyaasadeed ee jira halka uu salka ku hayo.

"Madaxweyne ma jiree, ee Madaxtooyo harka ku dhuumanaysa [Behind Shadow], oo halkaas ka maamulaysa, ayaa amuuraha kharibaysa, oo lacag bixinaysa," ayuu yiri Cabdi Ismaaciil Samatar.

Waxa uu Cabdi Ismaaciil ku tilmaamay Jawaari nin daciif ah, oo qiyaano badan, kaasi oo Villa Soomaaliya ay doonayso inay bedesho, oo xukunka ka rido, iyadoo loo marayo mooshinka Xildhibaano ka keeneen.

Isagoo hadlkiisa sii wata ayaa waxa uu Samatar tilmaamay in Villa Soomaaliya ay raadinayso Gudoomiye Baarlamaanka oo Xukuumadda sida ay rabto u sameeya, islamarkaana la jaan-qaadi kara siyaasadeeda.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo wareysi siiyay BBC-da ayaa intaasi ku daray in labada dhinac ee hadda is-haya ee Khilaafka u dhaxeeya aysan wax dan ah u heynin shacabka wajahaya duruufaha kala duwan.

Dhanka kale, waxa uu Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ka dhawaajiyay in Madaxweynaha uu ku qaldanaa inuu Jawaari ku yiraahdo Iscasil, balse laga doonayay inuu dhex-dhexaad ka noqdo dhinacyada is haya.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ka digay in Madaxda hadda haysa talada ay dagaal Sokeeye dalka u horseedaan, maadaama ay Ciidamadii qaranka loo adeegsanaya danahooda Siyaasadeed oo lagu weerarayo xaruumihii dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM