Qaadista Xayiraada hubka oo kamid ah Ajandaha Somalia la tagtey Shirka London

Image

LONDON, UK - Wajiga Labaad, ee Shirka caalamiga ee looga hadlayo arrimaha dalka Somalia, ayaa maanta oo Khamiis ah ka furmay magaalada London, kaasi oo ay soo qaban-qaabisay dowladda UK.

Somalia waxay la tagtay Shirka qorshayaal ay ka  mid yihiin dib u dhiska Ciidanka, qaadista xayiraadda hubka, dib usoo celinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay Somalia.

Madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Dhexe, oo xalay ka hadlay xaflada ay Jaaliyadda UK kusoo dhaweysay, ayaa sheegay inay ka qeyb-galayaan Shirka London iyagoo ku midaysan Danaha Somalia.

Dowladda badan iyo Hay'addo caalami ah ayaa ka qeybgalaya Shirka London, oo ay shir-gudoominayaan Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaaji iyo Ra'iisaul wasaaraha Ingiriiska Theresa May.

Xoghayaha Guud ee QM António Guterres ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in taageero dheeri la siiyo Somalia, si ay uga gudubto caqabadaha hortaagan, sida amniga, Dhaqaalaha iyo dib u dhiska wadanka.

Shirkan socda waa midkii saddexaad oo noocan ah oo ay dowladaha Beesha Caalamka u qabato Somalia, waxaana labadii shir ee ka horreeyay ka kala dhaceen London iyo Brussels sanadihii 2012 iyo 2013.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM