Qadar oo balanqaad dhanka doorashada u sameysay Rooble

Image
Tafaasiil ayaa laga bixiyey qodobada Rooble kula soo heshiiyey hogaanka waddanka Qadar.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigii uu hoggaaminayay ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho rasmi ah oo uu muddo 3 cisho ah ku joogay dalka Qatar.

Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa mudadii uu waddankaas Carbeed ku sugnaa wuxuu kulammo khuseeya xoojinta xiriirka labada dal kula yeeshay madaxda dalkaas.

Rooble oo socdaalkiisa kusoo beegmay xilli dalka doorasho ku jiro ayaa la kulmay Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani, iyo Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Sheekh Khaalid Bin Khalifa Al-Thani, iyo Mas'uuliyiin kale.

Sidoo kale, Rooble ayaa booqday xarunta safaaradda DFS ku leedahay magaalada Doha ee dalka Qatar, isagoo kormeeray qeybaha  kala duwan ee safaaradda, warbixinna ka dhageystay safiirka iyo howl wadeennada.

Maxamed Cabdrisaaq Maxamuud, wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo safarka qeyb ka ahaa ugana sii horeeyay Rooble dalkaas ayaa fahfaahin wuxuu ka bixiyey qodobada ay dhinacyada isla meel-dhigeen.

"Qadar waxay taageereysaa in doorashaooyinka Soomaaliya in ay ahaadaan kuwa daahfuran oo ku dhaca jawi nabadeed oo ku qabsooma sidda ugu dhaqsiyaha badan," ayuu yiri Mr Cabdirisaaq.

"Sidaas daraadeed, Qadar waxay balanqaadey in ay si fiican uga qeyb-qaadato kaabista miisaaniyadda doorashadda iyo amnigeedaba," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiirka.

Balse, Maxamuud ayaa ka gaabsadey in uu sharaxaad ka bixiyo natiijada uu kusoo dhamaadey dedaalada Dooxa ee ku aadanaa isu soo dhaweynta Rooble iyo Farmaajo oo si weyn ugu kala fogaadey maareynta xilliga kala guurka.

Dooxa ayaa si weyn u quudareyneysa in ay saameyn ku yeelato doorashada Soomaaliya si ay u hesho madaxwayne taabacsan siyaasadeeda wallow afartii sano ee lasoo dhaafay ee ay taageereysay Farmaajo ay xambaartey eedeymo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM