Qalbi Dhagax oo ku dhawaaqay qorshe cusub [DAAWO]

Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Cabdi Kariin Sheekh Muuse [Qalbi Dhagax] oo ka hadlayay munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu qabtay magaaladda Nairobi, Kenya ayaa ka hadlay arrimo badan, oo ay kamid tahay qaabkii loogu gacan geliyay Itoobiya August 2017.

Isagoo ka hadlayay qaabkii dowladda Federaalka Soomaaliya ugu gacan gelisay Itoobiya, ayuu sheegay in isagoo caga-cad, indhaha ka xiran oo qaawan diyaarad gaar ah looga soo qaadey magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in falkii isaga lagula kacay ee loogu dhiibey dowladda Itoobiya ay ahayd fariin loo diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo ka mahadceliyay sidii looga dhiidhiyay wareejintiisa.

Qalbi Dhagax oo laga soo daayey bishii hore xabsi ku yaalla Addis Ababa, oo uu ku jiray muddo ku dhaw Hal sano, ayaa sheegay in wali uu ku taagan yahay mowqifkiisa raadinta Shanta Soomaaliya.

Bishii Agoosto ee sanadkaan 2018 ayey ahayd markii Qalbi Dhagax laga soo qabtay magaalada Galkacayo, islamarkaana la keenay Muqdisho, halkaasi oo looga dhoofiyay wadanka Itoobiya.

"Galkacayo ayaa leyga soo qabtay inagoo garba duuban oo ihaanaysan, saddex maalmood xabsi ku jira, Muqdisho ayaa la i  keenay. Waxaana leyga doofiyay garoonka Baydhabo," ayuu Qalbi Dhagax ku daray hadalkiisa.

Wuxuu sheegay in mas'uuliyiin ka tirsan dowladda hadda jirta ee uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo ay sidaas ula dhaqantay, isagoo cadeeyay in looga baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay weydiistaan Cafis.

Qalbi Dhagax ayaa si balaaran uga mahad-celiyay baarlamaanka Soomaaliya, iyo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, doorkii ay ku lahaayeen sii dayntiisa, wuxuuna sheegay in uusan marnaba iloobin doonin abaalkooda.

"Abiy Axmed wuxuu ii sheegay in qofka kaliya ee uu kala hadlay arrinteyda, oo ay si fool ka fool ah, ay isla soo qaadeen inuu ahaa Axmed Madoobe [Madaxweynaha Jubbaland]," ayuu Qabi Dhagax raaciyay.

- Colaadda Puntland iyo Somaliland - 

Qalbi Dhagax wuxuu soo hadal qaaday colaada ka jirta gobolka Sool ee u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland, ayaa sheegay inay tahay wax laga xumaado in Dhiig Soomaaliyeed uu daato xilligan, isagoo ugu baaqay labadda dhinac nabad iyo xabad joojin.

"Waan ogahay in madaxda labada maamul ay yihiin dad aqoonyahano ah, balse, waa wax laga xumaado in lagu dul-dagaalamo Shacab, oo ay is-dileen dhalinyaro, oo Hooyo Soomaaliyeed Asaay loo saaro," ayuu yiri Qalbi Dhagax.

Dowladda Federaalka oo madax-xanuun siyaasadeed ka qaadey go'aankii ay ku dhiibtey Qalbi Dhagax ayaanan wali wax war ah kasoo saarin sii deyntiisa, oo isaga uga mahadceliyay Axmed Madoobe iyo Abiy Axmed.

Hogaamiyahan katirsan ONLF, ayaa hadda Nairobi kulamo ku qaadanaya Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM