​Qaramada Midoobay oo lacag ugu deeqday Somalia

Image

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada New York, ayaa lagu sheegay in lacag loogu yaboohay dalka Somalia taas oo lagu hormarin doono kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.

Lacagtan ay bixisay Jamaciyadda Qurmuumaha ka dhaxaysa, ayaa lagu sheegay inay gaarayso ilaa 2 Milyan oo dollar, waxaana qaybta hore lagu hormarin doono qaar kamid ah gobollada dalka gaar ahaan Banaadir iyo Jubbadda hoose.

Wasiirka Arrimaha Dabadda Somalia, Cabdisalaam Cumar Hadliye, oo ka hadlay kaalmadan, ayaa tilmaamay inay wax badan ay u qaban doonto shacabka waddanka, isagoo dhinaca kalena sheegay in deeqdan aaney qeyb ka aheyn barnaamijka hiigsiga Cusub (New Deal).

Sanduuqa horumarinta iyo nabadda Qaramada Midoobe oo lacagtaan bixiyay ayaa xusay in dowladda Soomaaliya u baahantahay in laga taageero dhinacyada hormarka iyo dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha.

Lacagtan ayaa si toos ah ugu dhici doonto Bangiga dhexe ee ay maamusho dowladda Federalka Somalia.

Maaha markii ugu horaysay ee lacag loogu yabooho Somalia, waxuuna kusoo aadayaa xilli dalka dabayaaqada sannadkan ka dhici doonto doorashada madaxtinimo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM