​Qaramada Midoobay oo lacag ugu deeqday Somalia

Image

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada New York, ayaa lagu sheegay in lacag loogu yaboohay dalka Somalia taas oo lagu hormarin doono kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.

Lacagtan ay bixisay Jamaciyadda Qurmuumaha ka dhaxaysa, ayaa lagu sheegay inay gaarayso ilaa 2 Milyan oo dollar, waxaana qaybta hore lagu hormarin doono qaar kamid ah gobollada dalka gaar ahaan Banaadir iyo Jubbadda hoose.

Wasiirka Arrimaha Dabadda Somalia, Cabdisalaam Cumar Hadliye, oo ka hadlay kaalmadan, ayaa tilmaamay inay wax badan ay u qaban doonto shacabka waddanka, isagoo dhinaca kalena sheegay in deeqdan aaney qeyb ka aheyn barnaamijka hiigsiga Cusub (New Deal).

Sanduuqa horumarinta iyo nabadda Qaramada Midoobe oo lacagtaan bixiyay ayaa xusay in dowladda Soomaaliya u baahantahay in laga taageero dhinacyada hormarka iyo dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha.

Lacagtan ayaa si toos ah ugu dhici doonto Bangiga dhexe ee ay maamusho dowladda Federalka Somalia.

Maaha markii ugu horaysay ee lacag loogu yabooho Somalia, waxuuna kusoo aadayaa xilli dalka dabayaaqada sannadkan ka dhici doonto doorashada madaxtinimo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM