Qarax ay ku dhaawacmeen "8 qof" oo dad lasoo xiray

Image

GAALKACYO, Galmudug – Inta la xaqiijiyey sideed qof ayaa ku dhaawacantay kadib markii miino lagu qariyey fuusto qashin taala banaanka xarunta dowlada hoose ee koonfurta Gaalkacyo ay Axada maanta ah qaraxdey.

Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ee Galmudug, Cabdiraxmaan Sheekkh Xasan, ayaa sheegay in dadka waxyeeladda soo gaartey isugu jiraan rayid iyo askar. Ciidanka waxaa la wariyey in ay kamid ahaayeen ilaaladiisa.

Sidda laga soo xigtay illo wareedyo dhanka amniga, Cabdiraxmaan ayaa xilliga uu falku dhacayey wuxuu ku jiray xarunta dowladda Hoose.

Isaga oo warfidiyeenka u waramay qaraxa kadib, Cabdiraxmaan ayaa sheegay in howlgal ay ciidamaddu sameeyeen lagu soo qabtay afar ruux.

"La tuhunsaneyaasha waxaa lagu sameyn doonaa baaritaan iyaddoo cidii aan la hayn wax dambi ah lasii deyn doonto, qofkii ay ku cadaatana waxaa la marsiinaa habraaca sharciga xeerinayo," ayaa laga soo xigtay Xasan.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen falkaas, wallow dhankooda aysan wali dusha u ridan.

Weerarkan ayaa kusoo hagaagaya xilli Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo haatan ku sugan caasimadda Puntland ee Garowe lagu waddo in uu gaaro Gaalkacyo, socdaal qeyb ka ah safarkiisa gobolada.

Rooble ayaa xal u goobaya is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2020-21. Inta illaa haatan la og-yahay, qorshihii uu u tegay Garowe ayaa wajahaya weji gabax markii madaxweyne Deni ku adkeystay fulinta heshiiskii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM