Qarax Ciidamada AMISOM lagula eegtay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan ayaa maanta AMISOM lagula eegtay waqooyiga magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya, kaasi oo geestay khasaarooyin kala duwan.

Goob-jooge ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in Miino dhulka lagu aaso, taasi oo haleeshay Kolonyo AMISOM, oo marayay Xaafadda Suuqa Xoolaha, ee degmada Heliwaa. 

Mid kamid ah Gaadiidka Kolonyada ayaa ku burburay, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha soo gaarey Askartii saarnayd.

Ciidamada ayaa xiray goobta, kadib qaraxa iyagoo sameeyay howlgal ballaaran, oo aan cidna lagu soo qaban.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM