Qarax culus oo goordhaw ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan ayaa goordhaw laga maqlay bartamaha magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Goobjooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in qaraxa oo ahaa miino nooca meelaha fog laga hago uu ka dhacay xaafadda Xararyaalle ee degmada Wardhigley.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxan, oo dhawaqiisa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada, iyadoo dadka goobta ku sugan ay soo sheegayaan in lala eegtay gaari uu la socday qof mas'uul ah.

Miinada ayaa lagu aasay inta uu dhaxaysa saldhiga Booliska degmada iyo Isgoyska Folorennca halkaasi oo ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya ay ka howlgalaan.

Fahfaahin kala soco wararka dambe ee Garowe Online.

GAROW ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM