Qarax xooggan oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdishu

Image

CEELASHA BIYAHA, Somalia - Qarax culus ayaa saaka barqadii waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Muqdishu, ee Caasumadda dalka Somalia, kaasi oo gaystay khasaarooyin isagu jira dhimasho dhaawac.

Qaraxan oo ahaa miino wadada qarkeeda lagu aasay, ayaa lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamada dowladda Federaalka Somalia, oo kusoo jeeday magaalada Muqdishu, iyagoo ka yimid Balli-Doogle.

Ku xigeenka Gudoomiyaha Ceelasha Biyaha, Cabdisalaan Maxamed ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online, in qaraxa ay ku geeriyoodeen labo qof oo shacab ah, iyadoo qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Mas'uulkan ayaa ka gaabsadey inuu ka hadli khasaaraha soo gaarey Ciidamada la socday Gaadiidka qaraxa lagu weeraray, balse dadka deegaan ayaa sheegay inay arkeen Askar badan oo dhaawac ah.

Qaraxa kadib, waxaa goobta xiray Ciidamada amniga dowladda Somalia ee ku sugan deegaanka Ceelasha Biyaha, iyadoo sameeyeen howlgal baaritaan ah, inkastoo aysan jirin cid ay kusoo qabteen.

Ma jirto cid sheegatay Mas'ulliyadda qaraxa saaka, balse Kooxda Al shabaab, ee Xiriirka la leh Al Qaacida ayaa inta badan sheegata weerarada nooca ah, ee ka dhacay dalka Somalia.

Wadada isku xirta Muqdishu iyo Afgooye waxaa kusoo kordhayay mudooyinkii dambe qaraxyo loo adeegsado Miinooyinka dhulka laguu aaso, kuwaasi oo lala eegto Kolonyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Dadka shacabka ah ee la socda Gaadiidka BL-ka ayaa mararka qaar ku dhaca dabinta loo dhigo Ciidamada, waxaana kasoo gaaro khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Xasan Sheekh ma oran kara waxaan sii joogayaa illaa 2027

Digniintan ayaa imaneysa xilli ay guul la’aan ku soo dhamaadeen wada-hadallo dhowaan ka dhacay xerada Xalane ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 09:40AM

Burburka Shirkii Xalane iyo Khilaafka Doorashada oo Soomaaliya Geliyey Marxalad Siyaasadeed oo Cusub

Wadahadallada ayaa u dhexeeyey madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay…

  • Soomaliya

    15-05-2026

  • 07:53PM