Qarax culus oo ka dhacay Saldhigga magaalada Boosaaso

Image

BOOSAASO, Soomaaliya - Qarax xooggan ayaa maanta salaadiii duhur kadib waxa uu ka dhacay nawaaxiga saldhigga ciidamada Booliska magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari.

Sarkaal katirsan Booliska ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay qaraxa, oo uu sheegay inuu ka dhashay walxo qarxa oo lagu soo raray gaari-gacan, oo watay nin doonayay inuu weeraro saldhigga.

Ciidamada ayaa kahor tagey qaraxaasi, oo ku joojiyay gaari-gacanka inta uusan soo gaarey albaabka saldhigga, oo xilligaasi ay ku sugnaayeen Saraakiil iyo Askar badan, sida ay sheegeen Goob-joogiyaal.

Saraakiilka ayaa tilmaamay in qaraxa uu ku dhintay oo kaliya qofkii watay, islamarkaana aysan jirin dad kale oo wax ku noqday. Waxaa socda hadda baaritaanno, iyadoo heegan sare la geliyay ciidamada.

Sawirro laga soo qaadey goobta, ayaa waxay muujinayaan meydka nin la sheegay inuu wadey gaari-gacanka walxaha qarxa saarnaa, kaasi oo wali la ogeyn cida uu katirsan yahay iyo halka uu ka yimid.

Boosaaso oo ah magaalada ganacsiga Puntland, ayaa waxaa la dagay falal amni darro, iyo qaraxyo ka dhacayay mudooyinkii dambe, kuwaasi oo qaarkood mas'uuliyadoodu sheegatay Kooxda Daacish.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM