Qarax dad ku dhaawacmeen oo Muqdisho ka dhacay

Image

February 24, 2015 (GO)- Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhaawacmey qarax caawa ka dhacay xaafadda Taleex oo ka tirsan degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa sida lagu soo waramayo ka dhashay bam horay loogu sii rakibey gaari ay labadaas qof wateen.

Wararku waxay intaas ku darayaan in labada qof ee dhaawacmay midkood yahay injineer kuwa dhismaha ka tirsan.

Afar maalmood kahor ayaa laga joogaa markii Al-shabaab weerar is-miidaamin ah la beegsatey hoteelka Central ee ku yaalla bartamaha magaalada Muqdisho.

Weerarkaas waxaa ku geeriyoodey ku dhowaad soddon qof oo mas'uuliyiin dowladda ka tirsani ku jireen, waxaa sidoo kale ku dhaawacmey in ka badan konton qof oo Ra'isal Wasaare ku-xigeenka Dowladda Federaalku kamid yahay.

Qaraxyada lagu xiro gaadiidka ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in sanadkii lasoo dhaafay ee 2014 qaraxyo caynkan oo kale ahaa lagu diley tobanaan qof oo u badnaa mas'uuliyiin dowladda ka tirsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM