Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho iyo fahfaahin kasoo baxaysa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax gaari ayaa galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo geestay Khasaarooyin kala duwan oo dhimasha iyo dhaawac isagu jira.

Afhayeen u hadlay maamulka gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in qaraxa oo ahaa mid culus uu ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Maana-Booliyo, ee degmada Shibis. Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeybo kamid ah Muqdisho.

Qaraxa ayaa loogu xiray Gaari nooca raaxadda oo uu watey nin lagu magacaabi jiray Cabdalla Axmed Cabdalla, kana kamid ahaa Jaaliyadda Yemen ee ku nool Muqdisho, kaasi oo isla goobta ku geeriyooday.

Meydka ninkan ayaa loo qaadey xarunta debmi baarista ee CID-da, waxaana socda baaritaan ku aadan qaraxa lagu dilay, oo u muuqda mid isaga loogu tala-galay in lagu khaarijiyo.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, sidoo kalena wali Saraakiisha amniga dowladda fahfaahin kama aysan bixin sababta loo beegsaday ninka kasoo jeeda Yemen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM