​Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa goordhaw waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Somaaliya, kaasi oo lala eegtay Makhaayad caan ah.

Goob-joogiyaal, ayaa u sheegaya Warsidaha Garowe Online in Qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasi oo lala eegtay Makhaayadda London Gate oo ku taalla degmada Xamarweyne.

Gaadiidka Gurmadka Deg Dega ah ayaa goobta durba gaarey, kuwaasi oo dhaawacyada u qaadaya Isbitaallada magaalada, iyadoo Ciidamada amniga ay xireen wadooyinka ku dhaw Makhaayadda.

Lama oga khasaaraha dhimashada ee qaraxa, kaasi oo ahaa mid culus, oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho.

Fahfaahin Filo Goordhaw.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM