Muwaadin Turki ah oo ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qarax ayaa Sabtida maanta ah wuxuu ka dhacay degaanka Caawa Cabdi oo ku yaala bartamaha wadada isku xirta magaalooyinka Afgooye, gobolka Shabeelaha Hoose, iyo Muqdisho, caasimada Soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya nooca iyo bartilmaameedka – fahfaahinada qaar waxay xusayaan in uu ahaa ismiidaamin lala beegsaday howlwadeenada ay Turkida ku jiranee ee dhisaya wadada laamiga ah ee xiriirisa labada magaalo.

"Balse waxaan wali kala caddeyn nooca is-qarxinta – ma mootaa loo adeegsaday, baabuur qaraxyo lagu soo rakibay mise naftii-halige? – waa arrinta ay baareyaashu ku mashquulsan yihiin," ayay sheegeen illo wareedyo dhowr ah.

Warbixinadda laga helayo goobjoogeyaal iyo saraakiil dhanka amniga ah oo u waramay warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in khasaaro uu qaraxu sababay.

"Hasa ahaatee, wali ma jirto cid caddeyn tirada saxda ah. Kaliya waxaa la og-yahay in uu qarax dhacay waxyeelanaya jirto," ayay ku dareen goobjoogeyaasha.

Mashruuca dhismaha wadadan oo ay maalgelineyso Dowladda Qadar waxaa fulineysa shirkad laga leeyahay Turkiga taasoo qandaraaska ku guuleysatay.

Dowladda Turkiga oo si kulul u cambaareysay qaraxa ayaa xaqiijisay in muwaadin dalkaas u dhashay oo kamid ah Injineerada dhismaha wadada uu dhaawac kasoo gaarey falkaas.

"Waxaan u tacisyeyneynaa inta ku dhimatay, annaga oo soo kabasho deg-deg ah u rajeyneynay inta dhaawaca ah," ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Dhowr jeer oo horey loo weeraray shaqaalaha ku howlan dhismaha wadada waxaa mas'uuliyadda dhacdooyinkaas dusha u ridatay maleyshiyadda Al-Shabaab – oo xukuumadda Ankara ku eedeysay "in ay qaadaneysa hantida Soomaalida".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM