Qarax iyo weerar lagu dilay Mas'uul oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan labo qof, oo ku jiro mas'uul degmo ayaa lagu dilay qarax iyo weerar maanta ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaadey gudoomiyaha waaxda 5aad ee degmada Kaxda, Ibraahim Calow Cali inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Ceelasha Biyaha xili halkaasi olole talaal uu ka wadey.

Saraakiisha amniga DF ayaa xaqiijiyay in weerarka uu ku dhintay gudoomiye waaxaadka Ibraahim Calow iyo gabar Faatumo Mataan lagu magacaabi jiray oo ka shaqeynaysay wacyigelinta COVID-19.

Toogashadda kadib, qaraxa ayaa goobta ka dhacay kaasoo la sheegay inuu ahaa mid ku xiran Gaari goobta looga tagay, iyadoo dableyda fulisay weerarka ay meesha isaga baxsatay kahor inta uusan Ciidanka imaan.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, balse inta badan qaraxayada iyo toogashadda ka dhacay Koonfurta Soomaaliya waxaa sheegata Kooxda Al-Shabaab, oo mudo ka badan 10 sano dagaal kula jirta DF iyo AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM