​Qarax ka dhacay Afgooye oo dilay 4 qof

Image

AFGOOYE- Weerar bambaano oo maanta ka dhacay degmada Afgooye ayaa sababay dhimashada afar qof uu ku jiro askari canshuur qaadayay iyadoo falkaasi lagu dhaawacay saddex kale.

Majirto cid sheegatay, balse qaraxan ayaa ka dhacay suuq xoolaha lagu iibiyo halkaasi oo ku sugnaayeen ciidamo dowladda katirsan oo canshuur qaadayay, waxaana waxyeello xooggan soo gaartay xoolihii suuqaasi ku jiray.

Goob jooge ku sugan Afgooye ayaa GO u sheegay in bambaanada la tuuray xilli ciidamadu ku mashquulsanaayeen canshuur qaadis.

Shakhsiyaadkii falkaasi gaystay ayaa goobta ka fakaday, waxaana suuqa la weeraray soo gaaray ciidamada katirsa dowladda oo bilaabay baaritaan xooggan.

Majirto wax war ah oo dhinac dowladda kasoo baxay kaasi oo ku aadan falalkan kusoo badanaya Afgooye.

Maaha markii ugu horaysay weerar bambaano lagu qaado ciidamo dowladda ee canshuurta qaada, waxaana weerar caynkan ah oo dhacay 12-kii bishii March lagu dilay 8 ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM