Qarax ka dhacay Baydhabo iyo Wararkii u dambeeyay

Image

BAYDHABO - Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan Qarax Fiidnimada caawa oo Khamiis ah ka dhacay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dowlad-goboleedyadda Koonfur Galbeed, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Amniga.

Qaraxaan oo si gaar ah uga dhacay xaafad lagu magacaabo Onkod ee caasimad goboleedka Baydhabo, ayaa wuxuu ahaa Bam-gacmeed lagu weeraray Askari marayey mid kamid ah Xaafadaas, taasoo khasaaro kala duwan sababtay.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacantay Afar qof oo uu ku jiro Askari, kuwaasoo dhaawacyooda la sheegay inay ku jiraan kuwa halis ah, islamarkaana waxaa loola cararay Isbitaalka way nee Magaalada.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in Shaqsigii Bambada ku weeraray Askariga uu islamarkiiba goobta ka baxsaday ka hor inta aysan soo gaarin goobta Laamaha amaanka, gaara ahaan ciidanka Booliska oo goobta baaritaano ka sameeyay.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaan, laakiin weerarada noocaan ah waxaa dhabarka uridato Kooxda AlShabaab, kuwaasoo mudooyinkii u dambeeyay kordhiyay Beegsiga Askarta dowlada Soomaaliya.

Weerarkaan dadka badan ay ku wax-yeeloobeen ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo Magaalada Baydhabo ay marti gelisay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay Shirka Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda, kaasoo ay kasoo qeybgaleen madaxda Shanta dowlad goboleed.

Inta shirku uu socday, waxaa Magaalada ay ahayd amaankeeda mid si wayn loo adkeynayay, iyadoona wadooyinka xarunta Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo uu shirku ka dhacayey ku sugnaa ciidamada Daraawiisha ee Koonfur Galbeed iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM ka tirsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM