​Qarax ka dhacay degmada Qoryooley Shabeellaha hoose

Image

QORYOOLAY- Waxaa caawa qarax lala eegtay goob ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda Somalia, waxaana weerarkaasi ku dhintay hal qof, halka dhaawacyo kala duwan soo gaareen ciidamada iyo shacab goobta ku sugnaa.

Gudoomiyaha degmada Qoryoolay, ayaa xaqiijiyay qaraxa isagoo sheegay in ruuxa dhintay uu ahaa shacab.

Majirto cid sheegatay qaraxan, balse waxaa looga shakisanyahay kooxda Al-Shabaab.

Weerarka kadib ciidamada ayaa sameeyay baaritaano kala duwan, waxaana qaraxa lagu tilmaamay miino dhulka lag aasay.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay weeraro kooxda Shabaab fulinaysay kuwaasi oo lagu dilay dad shacab iyo mas'uuliyiin isugu jiray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM