Qarax ka dhacay Duleedka Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo

Image

CEEL WAAQ, Somalia – Wararka aan ka helayno gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta uu Qarax uu ka dhacay duleedka degmada Ceel-waaq, oo ku taalla xuduuda kala qeybisa Somalia iyo Kenya.

Qarax oo ka dhashay Miino wadada qarkeeda lagu aasay ayaa lala beegsaday Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada dowladda Kenya ee Qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa, ee AMISOM, xilli ay kasoo gudbeen Xuduuda.

Rasaas xoogga ayaa laga maqlay goobta qaraxa, kadib markii weerar kale oo toos ah oo ay kusoo qaadeen Ciidanka Kenya Dagaalyahano katirsan Kooxda Al shabaab, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

AMISOM ayaa sheegtay in Al shabaab ay iska-caabin kala kulmeen Ciidamada Kenya, sidoo kalena lagu gaarsiiyay dagaalka khasaarooyin kala duwan, oo dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Al shabaab kama aysan hadlin weerarka Duleedka Ceel-waaq iyo khasaarihiisa.

Degmda Ceel-waaq waxay marin muhiim ah u tahay Ciidamada Kenya, ee ka howlgala gudaha Somalia, maadaama ay usoo maraan Sahayda, waxaana isticmaala askarta isku bedela howlgalka AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM