Qarax ka dhacey Hotel SYL ee magaalada Muqdishu [Dhagayso]

Image

21 September, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya magalada Mudishu ayaa sheegaya in qarax lala eegtay Hotel SYL oo ku dhaw madaxtooyada Villa Somalia.

Qaraxa waxaa gaystay Baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana uu gaystay khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Khasaaro xooggan ayaa lagu soo waramayaa inay gaareen labada Hotel ee SYL iyo Siyaad.

Mas'uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa daganaa hotelka, waxaana la sheegay inay caafimaad qabaan inkastoo badi wasiiradii ka socday Puntland ku maqnaayeen shirar.

Wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in gabi ahaanba uu dumay Hotelka, waxaana haatan xiran goobta uu qaraxu ka dhacay oo waxaa ku sugan ciidamo ammaanka.

Ma aha markii ugu horaysay oo qarax ka dhaco hotelka SYL ee magalada Muqdishu.

Faah-faahinta wararka dambe kala socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay bannaanbaxyo toddobaadle ah ilaa Xasan Sheekh ka baxayo Villa Somalia

Dowladda federaalka ayaa si adag u diidday sheegashada mucaaradka ee ah in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaaday.

  • Soomaliya

    20-05-2026

  • 07:47AM

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM