Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Sarkaal katirsan NISA oo lagu dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa ka dhacay saakay magaaladda Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya kaasoo uu ku dhintay Sarkaal katirsanaa hay'adda Nabad Sugida ee NISA.

Goobjooge ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in qaraxa oo ahaa miino lala eegtay Gaari Cabdi-Bille ah oo uu saarnaa taliyaha NISA ee degmada Deyniile xili uu ku sugnaa xaafadda Ceel-Shaale.

Taliyaha NISA ee Deyniile Cabdishakuur Raage oo loo yaqaaney [Cabdi Yare], iyo saddex kamid ahaa ilaaladiisa ayaa ku dhintay qaraxa, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale, kuwaasoo loola cararay Isbitaalka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, iyadoo qoraal ay soo saartay ku sheegtay in taliyaha iyo 11 askari ay ku dishay qaraxa miino, kaasoo kusoo aadaya xili degmada Deyniile ay kusoo badanayaan dilalka iyo falalka amni darro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM