Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyay khasaaro

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan oo geestay Khasaarooyin kala duwan ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lala eegtay mas'uul katirsan maamulka gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay 5 Qof ayaa ku geeriyootay, 10 kalena way ku dhaawacmeen Qaraxa, kaasi oo ka dhashay miino lagu aasay wado ku taalla Isgoyska Sanca qeybta xigta dhanka Degmada Kaaraan.

Qaraxa ayaa dhacay kaddib markii gaari kuwa Ciidanka ah uu dul maray Miinada waddada la geliyay, balse aysan haleelin oo ay ku dhinteen dad shacab ah oo goobta ka agdhowaa, oo qaarkood wadada hareeraheeda ku ganacsanayay.

Qoobjooge ku sugnaa goobta uu qaruxu ka dhacay ayaa u sheegtay Warsidaha Garowe Online in ay aragtay dhiig daadsan jidka iyo dad qaraxa ku waxyeelloobay oo gaadiidka gurmadka deg dega u qaadeen Isbitaallada.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga, Cabdicasiis Xildhibaan ayaa xaqiijiyay in qaraxa ay ku dhinteen 3 ruux, 9 kalena ay ku dhaawacmeen, isagoo intaasi ku daray inay wadaan baaritaan dhacdada ku aadan.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, oo ay tilmaantay inay la eegatay gudoomiye ku xigeenka maamulka degmada Deyniile Axmed Nuurow Adeerow, kaasi oo ka badbaaday isku-dayga dilka ee lala damacsanaa.

Amniga Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe u muuqda mid sii xumaanaya, oo ay kusoo kordhayaan qaraxo iyo dilal ay fulinayso Al Shabaab, iyadoo ka faa'idaysanaysa Khilaafka madaxda sare ee dowladda oo ku mashquulsan Mooshin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM