​Qarax ka dhacay Muqdishu iyo wariyaal la xiray

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa caawa qarax xooggan ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdishu kaasoo ka dhashay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo marayay jidkaasi.

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay in kastoo aan si rasmi ah loo helay waxyeellada uu sababay.

Warbaahinta dowladda ayaa ku warantahay in gaarigan ay baacsanayeen ciidamada NISA kuwaasoo helay xog sheegaysa in baabuurkan Al Shabaab kasoo buuxisay qarax islamarkaana la doonayay in lagu waxyeelleeyo dad aan waxbo galabsan.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda Somalia iyo maamulka gobolka Banaadir.

Dhinaca kale ciidamada NISA ayaa xabsiga dhigay labo wariye oo katirsan Idaacadda Shabeelleh sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha xaruntaasi Cabdimaalik Yusuf Maxamed.

Wariyaasha la xiray ayaa lagu kala magacaabaa; Cali Axmed Cabdulle iyo Maxamed Aadan Onkod.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamadu amar ku bixiyeen in la damiyo Idaacadda iyagoo meel isugu geeyay shaqaalaha, waxayna xabsiga u kaxaysteen tifaftirihii iyo wariye kale kuwaasoo la sheegay in loo haysto war ku saabsan Al Shabaab kaasoo xarunta laga baahiyay.

Cabdimaalik ayaa sidoo kale xusay in Idaacadda hawada lagu soo celiyay balse wuxuu codsaday in xorriyadooda loo soo celiyo saxafiyiintaas oo uu sheegay inay tabiyeen war  kooxda Shabaab soo dhigtay barahooda Internetka kaasoo ahaa in kooxdaasi qabsatay deegaanka Lafoole.

Wuxuu xusay in qaab wanaagsan loola dhaqmay waqtigii ciidamadu joogeen xaruntooda isagoo ku tilmamaay inay tahay markii ugu horraysay oo qaab fiican loola macaamulo.

Dhawr jeer oo hore ayaa dowladda Somalia hawada ka saartay Idaacadda Shabeelle, waxaana xabsiga la dhigay wariyaal katirsan xarunta, lamana oga sababta soo celcelisa arrintaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM