Qarax ka dhacay Xarunta Tababarka Booliska Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax Ismiidaamin ah ayaa ka dhacay gudaha xerada tababarka Booliska Soomaaliya ee Jeneraal Kaahiye oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Nin isku soo xiray walxaha qarxa, islamarkaana ku lebisnaa dareeska ciidamada ayaa isku qarxiyay gudaha xarunta xilli Askarta ay samaynayaan gaardi ka ciyaar ay ugu diyaargaroobayeen xuska aas-aaska Booliska Soomaaliya oo ku beegan 20-ka December.

"Ciidamada safaf dhaadheer ayay jireen xilliga qaraxa waxayna isku diyaarinayeen xuska 20-ka December," ayuu yiri Capt Mahad Cisman oo kamid ah Saraakiisha booliska goobta ku sugnaa.

Qaraxa waxaa uu ahaa mid aad u culus oo dhawaqiisa laga maqlay qeybo kamid ah Muqdisho, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan sida ninka is qarxiyay ugu suurta gashay inuu gudaha galo.

Saraakiisha ayaa sheegay in ku dhawaad 20 Boolis ah ay ku dhaawacmeen weerarka, kaasi oo mas'uuliyadiishu sheegatay Al Shabaab.

Kooxda Al Shabaab waxay sheegtay in ugu 27 Askari oo boolis ah inay ku dishay qaraxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM