Qarax khasaaro geeystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax miino oo xooggan ayaa maanta oo Talaado ah waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, kaasi oo lala eegtay ciidamo katirsana dowladda Federaalka.

Goobjooge ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in miinada lala eegtay gaadiid dagaal oo ay wateen ciidamada Militariga Soomaaliya xilli ay marayeen deegaanka Tareedishe [KM13], oo ku dhaw Muqdisho.

War kasoo baxay Kooxda Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa ay ku dishay Gudoomiyihii degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo magaciisa ku sheegtay "Biyo-Quute" iyo askar la socotay.

Kooxda ayaa sheegtay in Gudoomiyaha uu ku dhintay isla goobta kadib markii qaraxa miinada uu haleeyay Gaari Qooqan ah oo uu saarnaa, kaasi oo dusha ay ka saarnaayeen Askar ilaalo u ahayd.

Inta la xaqiijiyay 5 Askari ayaa ku geeriyootay weerarka, iyadoo qaar kale ay ku dhaawacmeen. Saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin qaraxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM