Qarax ku wajahnaa Kenya oo lagu qabtey Beled-Xaawo

Image

KISMAYO, Soomaaliya - Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay inay kahor tageen maanta oo Axad ah qarax loo waday dalka Kenya.

Ciidamada amaanka Jubbaland ee ku sugan Beled Xaawo ayaa qabtey miinooyin iyo waxyaabaha kale ee qaraxyada laga sameeyo oo saaran gaari kaasi oo ka gudbayay Xuduuda Soomaaliya la wadaagto Kenya.

Xog ay heleen ciidamada Nabad Sugida Jubbaland ayaa horseeday qabashada qaraxa, kadib howlgal ay ka sameeyeen magaalada Beled Xaawo. Lama sheegin in la qabtey dadkii watay qaraxa.

Magaalada Beled Xaawo waxaa ku sugan saraakiil sare iyo wasiiro ka socda Jubbaland kuwaasi oo u tagey halkaasi xalinta dibadbaxyo dadka deegaan uga soo horjeedaan darbiga Kenya ay ka dhisayso magaalada.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay inay kusoo xadgudbeen xuduuda, oo ay billaabeen inay dhismo ka billaabeen magaalooyin gudaha Soomaaliya ku yaalla oo Beled-Xaawo ay kamid tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM