Qarax laga maqlay caasimadda waddanka Sacuudiga

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Sacuudi Carabiya ayaa hawada ku qabtay wax u muuqda gantaal ama diyaarad aan duuliye lahayn oo dul heehaabaya magaalada Riyaad maanta oo Sabti ah Sabtida, sidda ay sheegtay warbaahinta boqortooyada, oo la kulmeysa weeraro isdaba joog ah oo uga imanayay fallaagada Xuutiyiinta Yemen tan iyo sanadkii 2015.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa soo dhigay fariimo ay wehliyaan muuqaal u muuqday qarax ka dhacay hawadda magaalada caasimadda ah ee Riyadh.

Dhacdadu waxaa lasoo wariyey abaare 11-kii subaxnimo waqtiga maxaliga ah ee Sacuudiga (08:00 GMT).

"Waxaan maqlay dhawaq aad u weyn waxaanan moodayay inay wax cirka ka soo dhaceen,” ayuu yidhi mid ka mid ah dadka deegaanka oo ku nool degmada Al-Sulaimaniyah ee magaalada Riyaad. Wuxuu ku daray: "Guriga oo dhan wuu gariirayay".

Isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga ee taageera dowladda Yemen ee caalamka aqoonsan yahay ee ka dhanka ah Xuutiyiinta ayaa sheegay "in ay qabteen oo ay burburiyeen bartilmaameed cadowga ka yimid oo beegsaday Riyadh".

Balse, ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan falkaas, sidda laga soo xigtay telefishanka ay maamusho dowladda ee Al Ekhbariya.

Xuuthiyiinta dhankooda wali ma sheegan inay gantaal ama diyaarad aan duuliye lahayn u rideen dhanka magaalada Riyaad maanta oo Sabti ah.

Maamulka Madaarka caalamiga ah ee King Khaled ee Riyadh ayaa sheegay in ay jiraan dib u dhacyo duulimaad, laakiin ilaa hada lama cadeyn in ay xiriirto dhacdadan.

Safaaradda Mareykanka ee Riyaad ayaa soo saartay digniin ku socota dadka Mareykanka ah oo loogu baaqay inay "ka feejignaadaan weeraro dheeraad ah oo dhici kara mustaqbalka dhow".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qoysas Ka Barakacay Dagaalada Baladxaawo oo Soo Gaaray Magaalada Mandheera

Mas'uuliyiinta gobolka Mandheera ayaa bilaabay diiwaangelinta barakacayaasha si loo siiyo gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah.

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 09:18AM

Colaadda Gobolka Gedo: Dagaal culus oo dib uga qarxay Beled-Xaawo

Goob-joogayaal ayaa soo sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus, iyadoo la isku adeegsaday hubka culus sida madaafiicda.

  • Soomaliya

    29-07-2025

  • 12:13PM