​Qarax lagu dilay ciidamo katirsan maamulka Koonfur Galbeed

Image

BAYDHABO, Somalia- Ciidamo ka tirsan milatariga   Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku geeriyooday qarax Miino oo lagu aasay wadada u dhaxeysa Daynuunay iyo Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Weerarka ayaa ka dhacay goob lagu magacaabo Buundo Madow oo ku taal duleedka Magaalada Baydhabo.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa qaraxaas ka dhashay, waxaana wararka uu helayo GO  xaqiijinayaan, in Saddex Askari ay ku  geeriyoodeen.

Ciidamada dhintay ayaa dhammaantood saarnaa hal baabuur, kuwaasoo kusii jeeday xero ku taalla deegaanka Daynuunaay.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka lagu dilcay ciidamadaas katirsanaa maamulka Koonfur Galbeed ee dalka Somalia.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay dhinaca maamulka Koonfur  Galbeed.

Maaha markii ugu horaysay ciidamo katirsan Milatariga xukuumadda Baydhabo lagu dilo qarax ay fuliyeen mintidiin katirsan ururka Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM