​Qarax lala eegtay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed

Image

Waxaa maanta qarax lala eegtay ciidamo katirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo ku sii jeeday deegaanka Daynuunaay oo lagu tababaro ciidamada maamulkaasi, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Hal askari ayaa dhintay 7 kalena, waxaa soo gaaray dhaawacyo kala jaad ah, waxaana qaraxaasi ka dhashay miino dhulka lagu aasay.

Ciidamada ayaa ka baxay magalada Baydhabo, waxaana weerarka sheegtay ururka Shabaab ee ka dagaallanta dalka Somalia.

Ma aha markii ugu horeysay ee ururka Al-Shabaab uu weeraro noocan oo kale ah uu ku qaado ciidamada dawladda Somalia iyo maamulka Koonfur Galbeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM